Ciidamada Galmudug oo sameeyay howlgal miino baaris ah

by admin | Saturday, Jan 30, 2021 | 448 views

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa howlgal miinooyin lagu soo saarayay ka fuliyay deegaanno hoos yimaada magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo ka mid ah goobo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inay howlgalka ku gaareen deegaanno Al-Shabaab ku sugnaayeen oo kamid ahaa kuwo ay horay dagaalo uga dhaceen

Ciidanka ayaa soo bandhigay miinooyin M Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka , waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in minooyinkaan ay Al-shabaab doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan.
Ugu dambeyn waxaa ay shegeen saraakiisha in howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta miinooyinka ay ka saarayaan wadooyinka ay geliyeen Al-Shababa, sidoo kalena ay kula wareegayaan degaannada Gobolka Mudug.
Magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug iyo degaano kale oo ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda, kuwa galmudug iyo Shacab is ruursaday iyo Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response