Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

by admin | Thursday, Jan 28, 2021 | 473 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada muqdisho ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay, mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xub no ka tirsan labada Gole iyo Saraakiil ciidan.

Safarka Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ku tegay magaalada Jowhar ayaa ahaa mid deg deg ah, xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magalada muqdisho, waxaana kulamo looga hadlayo doorashooyinka uu la qaatay, Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada, Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa tan iyo doorashadiisii waxaa maamulkiisa caqabad sababtay in uu dhowr jeer ka baaqdo safar uu ku tegi lahaa Beledweyne ay uga timid jabad uu hoggaaminayo Janeraal Xuud, kuwaas oo diidan sida ay ku dhacday doorashada Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response