Wafdiga dowladda Soomaaliya oo u dirtay Gedo oo qiimeyn bilaabay

by admin | Thursday, Jan 28, 2021 | 477 views

Wafdiga uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Warfaafinta & Gaashaandhigga ayaa waxaa ay gaareen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Xubnaha wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ayaa booqasho ugu tegay qoysaska ay ehelladooda waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo, iyaga oo uga tacsiyadeeyay dadkii uga dhintay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & mas’uuliyiinta kale ee ku sugan degmadaas ayaa waxaa ay warbixin siiyeen Wasiirada ka socda dowladda Federaalka, waxaana ay sheegeen in dowladda Kenya iyo dad ay soo abaabushay ay dhibaato ku hayaan Shacabka Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada dadkii ku dhintay madaafiicdii ku dhacday Beled-Xaawo, waxaana uu ku eedeeyay inay ka dambeeyso dowladda Kenya.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in dadkii lahaa in aysan jirin jabhad ay soo abaabushay dowladda Kenya la doonayo inay yimaadaan Beled-Xaawo, waxaana uu sigaar ah farriin ugu diray Guddigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u xil saartay arrimaha sababay khilaafka dowladda Soomalaiya & Kenya.

25-kii Bishaan ayaa waxaa xilli habeen ah degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda & kuwa Wasiirka Amniga Jubbaland, waxaana dagaalkaas ku dhintay dad badan oo Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response