Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 422 views

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, isla markaana  ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay leeyihiin shirkadda Turkiga dhismaha ka wada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Gaariga oo ahaa Toyota Hilux ayaa waxa saarnaa Shaqaalaha Soomaalida ah, iyada oo qaraxa miino lala eegtay xilli ay marayeen agagaarka Beerta Jaadka ee degmada Hodan meel u dhow xarunta Jaamacadda Ummada.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay mid kalen uu ku dhaawacmay, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo saacado ah hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

Qaraxyada lala eegnayo shaqaalaha isugu jira Turkida & soomaalida ee dhismaha ka wada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa aad u soo kordhay, iyada oo qaraxyo dhowr jeer dhacay lagu dilay injineero Turki ah, shaqaale Soomaali ah iyo askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response