Ethiopia oo go’aan kasoo saartay wararka la xiriira xaaladda R/W Abiy Ahmed{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 499 views

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa soo saaray go’aan ay ku mamnuuceen in laga hadlo xaaladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxayna dadka isticmaala baraha bulshada uga digeen wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladdiisa caafimaad, xilli aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Digniinta hey’adda sirdoonka NISS ayaa lagu sheegay in wararrada noocaas ah ay khalkhal galinayaan ammaanka wadanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”.
“Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xiriira badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maalmihii u dambeeyay la arkin, iyada oo ay xusid mudan tahay in uusan la kulmin Wasiirka arrimaha dibedda UK oo booqasho ku tagay dalkiisa, midaasi oo sarre u qaaday tuhunka la xiriira xaaladiisa caafimaad.
Itoobiya ayaa wajaheysa xiisad siyaasadeed oo xoogan, kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay dagaal ku qaaday maamulka TPLF, oo ugu dambeyntii duurka galay, kuna dhawaaqay dagaal jabhadeysan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Like it? Share it!

Leave A Response