Itoobiya oo sharuud ku xirtay wada-hadallo ay la gasho Suudaan

by admin | Tuesday, Jan 26, 2021 | 414 views

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in wada xaajood lala galo Suudaan ay ka horeyso sharuud ah in Suudaan ay ka baxdo dhulka Itoobiya oo ay qabsatay.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa tilmaamay in aanay suurto gal ahayn wada hadal nabadeed oo lala galo Suudaan ilaa inta ciidankeeda ay ka saareyso dhulka itoobiya .

Mufti ayaa u mahadceliyay dhinacyada wada dadaalka nabadeed ee la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada u dhaxeysa Suudaan iyo Itoobiya .

Labada dal ee dariska ah ayaa isku haya dhulka beeraha hodanka ku ah ee Al-Fashqa oo midk kasta uu sheeganayo.

Like it? Share it!

Leave A Response