Garoonka Diyaaraha Baqdaad oo gantaalo lagu garaacay

by admin | Saturday, Jan 23, 2021 | 398 views

Milatariga Ciraaq ayaa Maanta sheegay in seddex gantaal lagu garaacay garoonka diyaaradaha Baqdaad, seddex maalmood uun ka dib markii magaalada caasimada ah ay ka dhaceen laba qarax oo ismiidaamin ahaa.

Weeraradaan gantaalada ah ayaa ku dhacay banaanka garoonka diyaaradaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowlada Ciraaq, iyada oo Mid ka mid ah gantaalada uu ku dhacay guri ku yaal agagaarka degmada Al Jihaad isla markaana uu waxyeello u geysatay dhisme halkaaso ku yaalay.

Lama soo sheegin wax dad ah oo waxyeelo kasoo gaartay, dhanka kalane Ma jirto ilaa iyo hadda koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan lagu qaaday garoonka diyaaraha Dalka Ciraaq.

Jicmicihii aan kasoo gudubnay, ruux iskusoo xiray walxa qarxa  ayaa suuq ku yaal bartamaha magaalada baqdaad  isku qarxiyay, halkaasi oo ay ka dhaseen dhimashada 32 qof iyo dhaawaca inka badan 110 ruux. waxaa masuulayada waxaa sheegtay kooxda Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response