Amar la dul-dhigay Ganacsatada Magaalada Garoowe

by admin | Saturday, Jan 23, 2021 | 353 views

Duqa caasimadda Garowe ee Gobolka Nugaal Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cawil Axmed Jabuuti, ayaa kulan la qaatay ganacsatada tafaariiqleyda ee suuqa Inji, iyagoo ka dhegaystay cabashadooda ku aadan diidmada lacagta shillin Soomaaliga.

Duqa iyo guddoomiyaha ayaa u sheegay ganacsatada in ay socodsiiyaan lacagta shilin Soomaaliga, iyagoo u caddeeyay in dowladdu bilowday taabo galinta go’aamadii xal u helida lacagta shilin Sooomaaliga.

Masuuliyiinta waxay ballanqaadeen wax kaste oo dhinaca dowladda ka xayiran in maamulka degmada iyo gobolku xal ka gaaridoonaan, balse loo baahan yahay in ganacsatada Garowe hormuud u noqdaan fulinta dhankooda waxa kaga aadan go’aamadii soo baxay.

Ganacsatada ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay fulinayaan Amarka Maamulka gobolka iyo guud ahaan Madaxda Puntland balse loo baahan yahay in Xukuumadda ay dhankeeda ka dhaqan geliso go’aamadii u helida lacagta shilin Sooomaaliga.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan maamulka Puntland waxaa ka taagan caqabado ka dhashay diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo ay dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday.

Like it? Share it!

Leave A Response