Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dib ula wareegay degmada Raagga-ceelle

by admin | Saturday, Jan 23, 2021 | 436 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya & AMISOM ayaa dib ula wareegay degmada Raaga-ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saakay Waberigii ay la wareegeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka degmada ayaa waxaa ay ku warameen in Al-Shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku haayay degmada Raaga-ceelle, isla markaana degmada ay soo galeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSM oo ku sugnaa duleedka degmadaas,

Wararka ayaa waxaaay intaasi ku darayaan inay idb u bilaawdeen howlaha Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka oo muddo hakad ku jiray, kaidb markii dadka ay dareemeen cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Raaga-ceelle ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan, iyada oo  Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe uusan weli ka hadlin xaaladaha kasoo cusboonaadaya degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response