In ka badan 100,000 ruux oo ka barakacday Gobolka Daarfuur ee Suudaan!{AKHRISO}

by admin | Friday, Jan 22, 2021 | 473 views

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in ay ka welwelsan tahay xaaladda in ka badan 100,000 oo ruux oo ka barakacday rabshadda ka taagan Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan.

UNHCR ayaa tilmaamtay in kumanaan ruux ay qarka u saaran yihiin ay cagaha ka qaadaan deegaannada Gobolkaan dhaca Galbeedka Suudaan, qaarkood ayaa ka tallaabay Soohdinta Jamhuuriyadda Chad ee Bartamaha Afrika.

Diiwaanka Hay’adda ayaa bilawday 15-kii Janaayo 2021 waxaa lagu eegay Xawaaraha Koofurta & Galbeedka Suudaan oo ay ka barakaceen dad kala da’ duwan, waxaana sidoo kale shaqsiyaadka isaga baxay Magaalooyinka kamid ah u adeegayaal Bani aadamnimo.

Qaxooti cusub oo ku dhaw 3,500 oo reer Suudaan ah ayaa gaaray Gobolka Galbeedka Chad dhaca ee Ouaddaï  sida laga soo xigtay mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCHR loo yareeyo.

Moundou | Chad | Britannica

Welwelka dadkaan ayaa ah in ay tageen Dalka Chad oo Dowladdu ay kusoo rogtay Bandow lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19, balse qoysaskaan ay ka gudbeen soohdinta laguna soo dhaweeyayah Gudaha Gobolka ay tageen.

UNHCR ayaa gargaar degdeg ah u dalabtay dadkaan, waxaana ay sheegtay in samafal kooban loo qaadayo si loogu sii af qabto, waxaana ay ku biireen qaxooti hore oo reer Suudaan ah oo saldhigtay Chad oo itro ahaan ka badan 360,000 oo ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response