Faahfaahin ku saabsan qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Tuesday, Dec 29, 2020 | 439 views

Qarax aad u xooggan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaariga Xildhibaan hore ahna Siyaasi Caan ka ah muqdisho ee Muxudiin Xasan Afrax xilli uu marayay agagaarka Xarunta degmada Kaaraan gaar ahaan meel u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee qoobdooro.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askari halka laba kalana ay ku dhaawcmeyn, waxayna askarta dhammaantood ahaayeen ilaalada Muxudiin.

Marka qaraxa lala eeganayey gaariga ayaa waxaa la xaqiijiyey inuusan saarneyn Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga iyo kuwa dhaawacmay, waxana sidoo kale la sheegay inay sameeyeen howlgal dad lagu qabqabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanayo qaraxyada miino ee dhulka lagu Aaso iyo kuwa Gawaarida lagu xiro kadib markii ciidamada Dowladda ay Al-Shabaab ka hor istaageen inay gawaarida qaraxyada laga soo buuxiyo soo geliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response