DF Soomaaliya oo ciidamo horleh geyneysa 11 magaalo iyo qorshaha ka dambeeya{AKHRISO}

by admin | Sunday, Dec 27, 2020 | 365 views

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay ciidamo gaar ah u diyaarisay sugida amniga doorashooyinka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha amni ee ay dajisay xukuumaddu.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay inay dejiyeen qorshaha amniga doorashooyinka, iyaga oo gacan ka helaya qaar kamid ah maamulada dalka, xili uu muran xoogan ka taagan yahay doorashada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 11 magaalo oo dalka ah ay u diyaareen ciidamo gaar ah oo lagu wado inay ka dhacaan doorashooyinka lagu muransan yahay ee soo socda.

Qorshaha amniga doorashada waa la dajiyay, waana la isku raacay,waxaa Xamar la iskugu keenay dadka ay qusayso{Maamul Goboleedyadda} waa laga wada fariistay qorshe la isku ogyahay ayaana la dajiyay,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku sii daray in la diyaariyey dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamadaasi, islamarkaana ay meel fiican mareyso howsha sugida amniga.

“Ciidamo loogu talagalay ayaa la diyaariyay , dhaqaalihii loogu talagalay ayaa la diyaariyay, meel feecan ayay wax marayaan,” ayuu sii raaciyey Farxaan Cali Axmed.

Waxa uu xusay in ciidamadaas ay isugu jiri doonaan kuwa dowladda federaalka iyo kuwa kale oo laga soo xushay ciidamada AMISOM, oo iyagu hore u sheegay in kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyinka.

Qorshayaasha uu shaaca ka qaaday wasiiru dowlaha ayaa kusoo aadaya xili uu muran xoogan ka taagan yahay hanaanka ay dowladda u wado doorashada, iyada oo ay qaadaceen musharaxiinta mucaaridka guddiyada dowladda u wada arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Xiisada doorashooyinka ayaa jahwareer iyo walaac xoogan ka abuurtay dalka, iyada oo ay xiligan muuqan in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, maadama ay labada dhinac kala magacaabeen guddiyo doorasho oo kala taabacsan.

Like it? Share it!

Leave A Response