Galmudug iyo Puntland oo ku heshiiyey qodob la xiriira doorashada iyo mid kale

by admin | Thursday, Dec 24, 2020 | 483 views

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta shir ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhexeeya labada maamul.

Shirkan oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen mas’uul kale oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale ee ka jira gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa kulankan labada dhinac ay ku soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:-

1- In labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadaan sugida Amniga degaannada Galmudug oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal Amni darro.

2- In ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka qabsoomidda doorashada.

Xaaladda siyaasadeed iyo mida ammaan ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo Jimcihii la soo dhaafay weerar is-miidaamiin ahaa uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Like it? Share it!

Leave A Response