Ciidamo Galbinayay Gaadiid U Rarnaa Ganacsato Oo Weerar Lagu Qaaday

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 686 views

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka oo galbinayay gaadiid ay u rarnaa Ganacsatada degmada Xudur, xili ay ku socdaalayeen inta u dhexeeysa Quracjoome iyo Xudur.

Dagaalkaas oo socday muddo ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn khasaaraha, maadaama halka lagu dagaalamay ay aheyd waddo howd ah oo socodka ku yar yahay.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa sugan halka uu dagaalku ka dhacay, isla markaana ay wadaan dadaalo gaadiidka u raran Ganacsatada degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku marsiinayaan wadada, xili dhawaan Bakool lagu gubay gaadiid waday Shixnado Ganacsi.

Al-shabaab ayaa dhowr mar sidaan oo kale weerar ugu qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda oo galbinayay gaadiid u rarnaa Ganacsato, kadib markii ay wadada u galeen Ciidanka, iyadoona Shabaab horey u gubeen gaadiid waday Dhuxul iyo Shixnado kale.

Like it? Share it!

Leave A Response