Goodax Barre” Doorashadii Hirshabeelle oo la boobay”

by admin | Saturday, Dec 12, 2020 | 389 views

Wasiirkii hore ee Wasaarada waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si weyn uga horjeestay dhismaha maamulka Hirshabeelle oo dhawaan doortay Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen iyo guddoonka baarlamaanka.

Cabdullaahi Goodax Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Hiiraan kasoo jeedda ayaa sheegay in shacabka Hiiran marna aysan ku qanci doonin sida loo doortay Madaxda Sare ee Hirshabeelle.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale in guud ahaan laga baxay Heshiiskii awood qeybsiga ee lagu dhisay maamulka Hirshabeelle taasina ay tahay nasiib daro weyn oo ka careysiisay shacabka degaanka Hiiraan.

Goodax ayaa taageero u muujiyay Kacdoonka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle loogu diiday in uu taggo Beledweyne, waxaana uu sheegay in dowladda dhexe ay boobtay doorashada Hirshabeelle.

Waxaa weli muran xooggan uu ka taaganyahay siyaasadda Maamulka Hirshabelle oo dhowaan doortay madaxweyne cusub, balse ay beelaha qaarkood kasoo horjeesteen.

Waxaa muranku uu cirka isku sii shareeray ka dib markii saraakiil hubeysan oo ka soo jeeda Beledweyne ay sheegeen in Madaxweynaha Hirshabelle uusan halkaasi tagi karin.

 

Like it? Share it!

Leave A Response