Dagaal ka dhacay gobolka Gedo & khasaaro ka dhashay

by admin | Friday, Dec 11, 2020 | 423 views

Dagaalka ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah AMISOM &  Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degmada buurdhuubo  ee Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Itoobiya  ku leeyihiin degmada buurdhuubo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socay muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degmada buurdhuubo ayaa qaarkood  waxaa ay  sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Itoobiya & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah dadka badina ay wada jiifeen.

Saraakiil Ciidan oo ku sugan Buurdhuubo ayaa  waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab isla markaana qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in weerarka ay ka geysteen degmada buurdhuubo ee gobolka Gedo  ay ku dileen lix Askari oo ka tirsan Ciidamada IItoobiya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Inta badan degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Cidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo ay geysay dowladda, waxaana mararka qaar ay dagaal la galaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response