Isbaheysiga Carbeed oo burburiyey labo doomood oo xuutiyiintu ka buuxiyeen walxaha qarxa!

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 436 views

Isbaheysiga Carbeed ee dagaalka kawada Yemen ayaa shaaca ka dhigay in uu gacanta ku dhigay isla markaana burburiyey doonyo sidday walxo qarxa, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah ee dalka Sucuudiga.

Turki al-Maliki, afhayeenka xulafada oo u waramay wardiyeenka, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in doonyahaas ay lahaayeen faalada la sheegay in ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta.

“Doonyahan waxay khatar ku ahaayeen ammaanka gobolka iyo caalamka, marinka badeeda iyo ganacsiga aduunka,” ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, doonyaha ayaa ka yimid gobolka Hodeidah halkaasoo la wariyey in Xuutiyiinta ay u tahay saldhig ay kasoo qaadaan weerarada sawaariiqda, drones-ka iyo gantaaladda.

Marka laga soo tago sheegashadda Isbaheysiga, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya iyo caddeymo ay sawirro ku jiraan oo la baahiyey.

“Talaabada ay Xuutiyiinta kusoo daabuleen doonyahan waxay xadgudub ku tahay heshiiska xabad-joojinta ee Hodeidah ee lagu saxiixay Stockholm [caasimadda Sweden],” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Al-Maliki.

“Ciidamada Badda ee Isbahaysiga waxay ogaadeen fiidnimadan (Arbacada) maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta inay ka fuliyaan fal cadowtinimo, argagixiso oo ka dhaca Koonfurta Badda Cas, iyagoo adeegsanaya labo doonyood oo nooca xamuulka qaada ah oo laga soo raray gobolka Hodeida ee Yemen,” ayuu yiri afhayeenku.

Yemen waxaa tobanaan sano ka oogan colaad galaaftay nolosha boqolaal, kuna barakaceen kumanaan kale mana muuqato saan-saan ay deg-deg ugu soo afjarmeyso colaadda oo u muuqata mid sii karaar-qaadaneysa.

Like it? Share it!

Leave A Response