Maxkamadda Sare oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 416 views

Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka  Puntland ayaa Maanta  la horgeeyay kiiska 8 Xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo dhawaan xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay xasaanadii ka qaadeen.

Maxkamadda ayaa waxaa hortegay qareenada u doodayay xildhibaannada, waxaana dood dheer kadib ay Maxkamadda sare ee Puntland mudeysay in maalinta sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 12-ka bisha December la  dhegaysto kiiska xildhibaanada xasaanadda laga qaaday.

Maxkamadda Sare ayaa ogolaatay codsi ay soo jeediyeen Qareenada oo ahaa in la siiyo fursad ay dacwadooda ku aadan eedaymaha loo soo jeediyey xubnahaasi ayna u diyaar garoobayaan sidii ay maalinimada Sabtida ah maxkamadda horteeda uga difaaci lahaayeen.

Ku-simaha guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise  oo goobjoog ka ahaa Xarunta Maxkamadda ayaa faray garyaqaanka guud ee Puntland iyo qareenada u doodaya xildhibaanada inay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay dhegaysiga kiiska oo ah Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

3-dii Bishaan ayay aheyd markii Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ay xasaanadii ka qaadeen Sideeda mudane oo lagu kala magacaabo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan, Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Maxamuud Axmed Caalin wallow xasaanad ka qaadistaas ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Like it? Share it!

Leave A Response