Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Senator Qodax oo is-casilay kadib arrin uu ka waayay DF

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 485 views

Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa goordhoweyd oo caawa shaaciyey  inuu iska casiley xilkaas, isagoona eedeymo u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Mustafe Qodax oo ka hadlayey caawa munaasibad ka socotay dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa uu sheegay inuu ka qoomameynayo xilkaas,  maadama uu ku dooday in dowladda federaalka aysan wax qadarina u hayn madax-banaanida Somaliland.

Senator-kan is-casilay oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay inuu caawa soo afmeeray inuu xil dambe ka qabto Soomaaliya, xili uu muddo ku siman afar sanno ka tirsanaa aqalka sare ee Soomaaliya.

“Soomaaliya lagama qirsana in Somaliland ah tahay dal la siman Somalia, maadama ay ahaayeen labba Dal oo wax isku darsadey taasina tahey mid ay khasab tahey inay qiraan Soomaaliya si loo wada-hadlo” ayuu yiri Mustafe Qodax.

Mustafe Qodax ayaa lagu wadaa inuu cafis ka dalbado madaxweynaha Somaliland, kadib is-casilaadiisan, si uu ugu guryo noqdo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Is-casilaada Senator-kan ayaa imaneysa xili ay muddo kooban ka hadhsan tahay doorashada, isla markaana uu muran xoogan ka taagan yahay guddiyada doorashada, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi.

Xukuumada Somaliland ayaa hore ugu xirtay siyaasiyiinta xilalka ka haya Soomaaliya inay iska casilaan xilalkooda, kana laabtaan fikirka Midnimada, si ay ugu soo guryo noqdaan deegaanada ay kasoo jeedan ee Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response