Indha Cadde “Diyaar ayaa u nahay inaan difaacno Musharaxiinta Madaxweynaha”

by admin | Wednesday, Dec 9, 2020 | 634 views

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu difaaco Musharaxiinta Madaxweynaha ee shirarka uga socda Hotelka Jazeera, kaddib markii ay dhowaan soo baxday in Jeneraal ah loo magacaabay Taliyaha Amniga Musharaxiinta.

Yuusuf Indha Cadde oo wareysi siiyay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in iyadoo aan la magacaabin uu xitaa diyaar u yahay inay difaacaan Musharaxiinta, si la mid ah sidii ay shalay u difaaceen markuu Farmaajo ahaa Musharax.

“ayadoo aan nala magacaabin inaan difaacno dadkaas musharaxiinta ah ayaa diyaar u nahay, sida shalay u difaacnay Farmaajo markuu musharaxa ahaa ayaa u diyaarsanahay inaan u difaacno Musharaxiinta”ayuu yiri Jen. Yuusuf Indha Cadde.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta iyo Madaxweynaha looga baahan yahay inay xaalada dejiyaan, isla markaana aanan cid laga yeeleynin inay wax boobto sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa leeyahay madaxweyne Farmaajo xoog kuma aadan imaan, boob kuma aadan imaan, lacag kuma aadan imaan, dadkii soomaaliyeed ee ku banaan baxayay moraalkooda ilaali, adiga kursiga ku fadhiya, sida wax u socdaan umadda kuma qanacsana ku qanci doonto, cid wax boobi karta ma jirto”ayuu yiri.

Yuusuf Indha Cadde oo si toos ula hadlayay Madaxweyne Farmaajo “ayaa yiri Madaxweyne waxa aad korka u sido dhulka dhig, dadka kula talinaya runta kuuma sheegayaan, sida saxda kuuma sheegayaan, waa dad dano gara ah kaa leh, oo danta ummadda soomaaliyed iyo sharaftaada jiritaankaaga siisanaya wax yar oo dan ay leeyihiin”

Si kastaba ha ahaatee xaalada cakiran ee siyaasadeed ayaa waxaa dad badan cabsi ka qabaan inay gacan ka hadal isku bedesho, marka loo eego sida labada dhinac ay u qaadayaan tallaabooyinka is-daba jooga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response