Itoobiya oo waaran soo qabasho ah u jartay Saraakiil Boolis ah

by admin | Tuesday, Dec 8, 2020 | 451 views

Booliska Federaalka Itoobiya  ayaa soo saaray waaran qabasho ah 10 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray gudiga booliiska Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyagoo ka amar qaadanayay madaxda sare ee kooxda TPLF ee fadhigoodu yahay gobolka Tigray, sida lagu sheegay Warbixinta Booliska.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha waaran soo qabashada ah loo jaray lagu Eedeeyay in si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaateen qorshooyinkii khatar ku ah nidaamka dastuurka & Amniga dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guddiga Booliska Federaalka Itoobiya , saraakiisha booliska ayaa Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay.

1.Taliye Solomon Abrha Bisrat

2.Taliye Hailemariam Berhane G / Mariam

  1. Ku-xigeenka Kormeeraha Kibrom Gebru G / Egziabher
  2. Kuxigeenka Isbatooraha Aregawi G / Hiwot Asfaw
  3. Kaaliyaha Isbatooraha Geza’e G / Hiwot G / Silassie
  4. Kaaliyaha Isbatooraha Tesfa Kiros Gidey
  5. Kaaliyaha Kormeeraha Araya G / Anania Kidanu
  6. Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi
  7. Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam
  8. Chief Sajin Haftu Kahsay
Like it? Share it!

Leave A Response