Qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda UK oo qaatay talaalka cusub ee Coronavirus

by admin | Tuesday, Dec 8, 2020 | 425 views

Haweenay 90 sano jir ah oo ka soo jeeda Enniskillen, Waqooyiga Ireland, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaadta talaalka cudurka coronavirus, taas oo bilaw u ah qorshaha lagu talaalayo dad badan oo ka so jeeda dalka Ingiriiska.

Margaret Keenan, oo isbuuc kaddib u dabaal-dagaysa dhalashadeedii 91-aad ayaa sheegtay inay tahay hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashadeeda.

Talaalka ayaa lagu bilaabay dadka ay da’dooda ka weyntahay 80 sano iyo shaqaalaha caafimaadka.

Mashruucan ayaa ujeedkiisa ah in la badbaadiyo dadka ay khatarta ugu badan soo wajihi karto.

“Waxaan dareemayaa inaan aad u nasiib badanahay inaan noqdo qofkii ugu horeeyay ee qaata talaalka looga hortagaayo cudurka Covid-19, waa hadiyaddii ugu wanaagsanayd ee dhalashayda, ugu dambayntii waxaan wakhti la qaadan karaa qoyskayga iyo saaxiibaday, sanadkan waxaan muddo badan ahaa qof kaligiis ah.” Ayey tiri Keenan.

Like it? Share it!

Leave A Response