Laamaha Amniga oo baadi-goobaya dadkii ka dambeeyay dil ka dhacay Dhuusareeb+sawir

by admin | Tuesday, Dec 8, 2020 | 496 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa ay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaad hubeysan oo maanta Nin caan ahaa ku dilay Magaalada Dhuuamareeb.

Dilka Ninka oo lagu Magacaabi jiray cabdullaahi Caabi ayaa yimid, kadib markii israsaaseyn ay dehx-martay laba maleeshiyo, kuwaas oo isku heystay isqab qabsi la xiriir dhul.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa siwyen waxaa Maanta looga dareemay israsaaseynta ka dhacday oo uu ku geeriyooday nin kamid aha dadka dhulalka kala gada, waxaana socda baaritaao lagu badi goobayo maleeshiyaadkii dilka geystay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Wasiirka Amniga Maamulkaas Axmed Macalin Fiqi ayaa kal hore waxaa ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin dagaal Beeleedyada salka ku haaya isku qabsiga dhulalka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response