Siciid Deni oo tabashadooda doorashada ku soo bandhigay Madasha Iskaashiga Soomaaliya{Sawirro: }

by admin | Monday, Dec 7, 2020 | 475 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland,Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 20/21.

Siciid Deni oo shirka uga qeyb-galay Aaladda Zoom-ka ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo la xiriirta qabashada doorashada.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay tabashada ay ka qabaan doorashada, taas oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo iyo dooda ka taagan guddiyada doorashada Somaliland.

Madaweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Gedo, si ay Jubbaland doorasho ugu qabato, sidoo kale wuxuu ku taliyey in la-tashi guud laga sameeyo guddiga doorashada ee xildhibaanada gobollada Waqooyi ama Somaliland.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo goobta hadal ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in doorashada 2020/21 ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay u dhan yihiin dhinacyada ay quseyso oo dhan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, siiba dhismaha guddiyada ka shaqeynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response