Baarlamaanka Puntland oo bilaabay la xisaabtanka Wasiirada

by admin | Sunday, Dec 6, 2020 | 406 views

Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Cabdi Casiis Cabdullaahi Cusman iyo ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa la Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-tegay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyada oo Xildhibaannada ay su’aalo weeydiiyeen.

Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.

Intaa ka dib, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.

Dhawaan ayaa Wasiirka Qorsheyna puntland uu hortegay Baarlamaanka, hayeeshee xildhibaano qaarkood ay kulanka buuq ka abuureen taas oo sababtay in kulanka uu baaqdo, hayeeshee maalmihii xigan kulan u qaabsoomay Baarlamaanka Puntland ay xasaanadii ka qaadeen 8 kamid ah Xildhibaannadii buuqa sameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response