Dad loo qabtay dil ka dhacay Magaalada Beledweyne

by admin | Tuesday, Nov 17, 2020 | 487 views

Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo dil uu ka dhacay.

Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Beledweyne waxaa ay ku dileen Guddoomiye ku Xigeenkii Xaafada Buundweyn oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muxumed (Kuukay dheere), iyaga oo goobta ka baxsaday.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay intiisa badan ka sameeyeen Xaafada Buundaweyn oo uu dilka ka dhacay, waxaana ay ku qab qabteen dad farabadan oo dhalinyaro u badan.

Taliyaha Booliska Magaalada Beledweyne labo Xidigle Maxamed Maxamuud Qorsheel ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo Ciidamada howlgalka ku qabteen, kuwaas oo baaritaan lagu haayo si loo helo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Waxaa uu sheegay in weli howlgallada ay ka socdaan Magaalada Beledweyne, isla markaana Ciidamada ay wadi doonaan ilaa  iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay dilka.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale.

Like it? Share it!

Leave A Response