Hassan Sheikh Mohamud oo maanta gaaray Magaalada Nairobi.

by admin | Monday, Nov 9, 2020 | 600 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi dalka Kenya, iyada oo la filayo inuu kulamo ku yeesho qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka ee ku sugan Nairobi.

Ilo kudhow Safarka Xasan ayaa u sheegay Hiiraanweyn in uu kulamo la yeelan doono qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada oo la filayo in kulan looga hadlayo doorasahda Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya uu uga furmo Nairob.

Waxa kale oo kujira Qorshaha in uu kulamo la qaato qaar kamid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya 2021 oo iyagu Nairobi ku sugan.

Macluumaad aan la shaacin ayaa sheegaya in musharrixiinta madaxtiniamda Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay ku dhawaaqaan madal ay ku mideysan yihiin oo ay ku difaacayaan sidii ay u dhici lahayd doorasho xor ah.

Like it? Share it!

Leave A Response