Madaxweynaha Gobolka Tigreega oo ku baaqay xabad joojin{sawiro}

by admin | Monday, Nov 9, 2020 | 396 views

Madaxweynaha maamulka Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Wuxuu mar sii horreysay Midowga Afrika ugu baaqay inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

Debretsion Gebremichael wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadallo lagu joojinayo dagaalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigreega in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response