Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle oo la doortay

by admin | Wednesday, Nov 4, 2020 | 410 views

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle xilli doorashada ay ku socoto Magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale maanta doortay gudoomiyaha baarlamaanka oo loo doortay Cabdixakiin Luqmaan.

Like it? Share it!

Leave A Response