Waare oo shaaca ka qaday arrin laga damacsan yahay dhismaha HIRSHABELLE

by admin | Wednesday, Nov 4, 2020 | 381 views

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo u warramayey warbaahinta kadib is-casilaadiisii ayaa ka hadlay xaaladda iyo dhismaha dowlad goboleedkaas oo ka socda magaalada Jowhar.

Waare ayaa ugu horreyn shaaciyey inuu ka tanaasulay xilka madaxweynaha, iyada oo ay u harsan tahay hal sano, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inuu marar badan ku dadaalay sidii loo horumarin lahaa HirShabelle, hayeeshee ay socon weysay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada HirShabelle la ‘afduubtay’ islamarkaana ay la wareegeen dad gaar ah.

Waare ayaa sidoo kale shaaciyey ujeedada laga leeyahay dhismaha haatan ee HirShabele, wuxuuna sababta ku sheegay in loo dagaalamayo kaliya kuraasta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee taala deegaanada maamulkaasi.

“Neefka xoolaha markii uu caatoobo oo cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka HirShabelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waare.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu ku taliyey in dib loo dhigo doorashada iyo howlaha dhismaha maamulka, balse dhagaha la fureystay, wuxuuna ka digay in la sii wado howlaha socda, iyada oo aan la sameyn dib u heshiisiin lagu xalinayo xiisada taagan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta ay dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, kadibna la dooran doono madaxweynaha & ku xigeenkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response