Maamulka Banaadir oo bilaabay fulinta Amarkii RW Roobe

by admin | Tuesday, Nov 3, 2020 | 500 views

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay fulinta Amarkii kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa inay waxka qabtaan biyaha roobka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Ahmed Xasan Iimaan ayaa waxaa ay kormeer ku tageen xaafadaha qaar iyo wadooyinka ay Biyaha jareen ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyintaan oo fulinaya Amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa ay bilaabeen inay Biyaha Booyada uga qaadaan wadooyinka, KM4, Wadada Ceelqalaw, Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiyo iyo wadooyin kale.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay inay wadooyinkaas Biyaha laga qaaday ay mari doonaan Gaadiidka & dadka Shacabka ah,waxaana dadka wax heysta uu ugu baaqay inay u gurmadaan dadka uu saameynta ku yeeshay roobkii ka da’ay Magaalada muqdisho.

Roobkii ka da’ayay 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sababay inay xirmaan waodoyin muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda, isla markaana wax gaadiid ah isticmaaleen.

Like it? Share it!

Leave A Response