Madaxweynihii mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Dowlad Goboleedka Hi-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Madaxweynaha Maamulkaas. Qoraal uu soo saaray Waare ayuu ku sheegay in, isaga oo tixraacayo qodobka 52aad ee Dastuurka KMG ah ee Hirshabeelle uu is casilay, xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay si caadi ah uga socaan magaalada jowhar. Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraalkiis sidoo kale waxaa uu ku sheegay in uu dalabday in howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle dib loo dhigo muddo bil ah maadaama ay soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka Heer Federaal, balse taas bedelkeeda uu bilaawday is xulafeysi wax kala boobid iyo dano gaar ah. “ Waxaa nasiib darro ah in arrintaasi iyo inay saas wax u dhacaan ku qanceen Duubabka Dhaqanka Hir-Shabeelle, hoggaanka kale ee Hir-Shabeelle, Xildhibaannada metela, xataa waxaa layaab leh in inay ka hadli waayaan hoggaanka mucaaradka oo badankood kasoo jeeda Hir-Shabeelle una arkaan in wado wanaagsan ku socoto ayuu yiri” Waare. Is casilaada uu ku dhawaaqay Madaxweynihii Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo mudada xilheyntiisa ay ku ekeed 26-kii Bishii la soo dhaafay ee Oktoober ayaa waxaa uu kusoo adayaa xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay ka socdaan magaalada jowhar, isla markaana Maalinta Berito oo Arbaco ah la filayo in la doorto guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

by admin | Tuesday, Nov 3, 2020 | 484 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay ka sameeyeen degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmadaas oo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) iyada oo sidoo kale howl-galkaas lagu khaarijiyey 10 dagaalame oo la socotay.

Warka ka soo baxay taliiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Mucaad Dheere uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca gobollada Jubbooyinka.

”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday, ayaa lagu yii qoraalka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi lagu dilay Mucaad Dheere oo ka mid ah saraakiisha kooxdaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response