Dagaal xoogan oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

by admin | Sunday, Nov 1, 2020 | 449 views

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaano hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana uu dhex-maray Xubno kamid ah kooxda Macaawiisleey iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarun ay ku sugnaayeen Kooxda Macaawiisleey oo ku taalla degaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda oo dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceel-Ceed oo qiyaastii 4-km u jira Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleeyda, isla markaana ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Like it? Share it!

Leave A Response