Dad ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 483 views

Qaraxaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mooto ay wateen dad rayid ah xilli ay marayeen degaanka Miir-taaqwa ee duleedka degmada Mahadaay, waxaana ku dhintay qaraxa laba Ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mootada ay saarnaayeen dadka Shacab ah ay ku wajahnaayeen degmada Mahadaay, hayeeshee ay dhibaatadaasi qabsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlaglo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response