Xusuusta Qaraxii Soobe 14-ka Oktoobar 2017 & Dadkii ka badbaaday!

by admin | Wednesday, Oct 14, 2020 | 497 views

Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux!

Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Mustaqbal u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa lugeynayay waddada, Goobaha Ganacsiga waa ay furnaayeen, dadku waxa ay ku kala mashquulsanayeen danahooda gaarka ah.

Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka jug weynaa kuwii dhici jiray, durba qof waliba oo dadkiisa waayay, ayaa gaaray Isgoyska Soobe oo ah halka mashaqadu ay ka dhacday.

Dadka ayaa is dul daadsanaa, qaarkood ayaa gubanayay, Goobaha ganacsiga ayaa burburay, laamiga ayaa go’ay (Dumay) waxaana isbadalay muuqaalka guud oo waxyar kahor qaraxa jawi is dhex socod uu jiray.

Aadan Cabdi Xuseen oo la hadlay Mustaqbal waxa uu la wadaagay wixii uu goobjooga u ahaa maalintaas, isaga oo sheegay in uu ku waayay qaar kamid ah asaxaabtiisa, halka qaar kale jirkooda uu kala go’ay.

“Qaraxa kadib waxa aan u dhacay af-af, uuro ayaa guud ahaan meesha qarisay, waxyar kahor inta uusan dhicin ayaan galay Wasaaradda qorsheynta oo aan degenaa, markii aan meesha soo gaaray waxa aan arkay qaar kamid ah dadkii aan isla shaahnay oo dhaawac & dhimasho ah waxaa kamid ah Haweeney Caano meesha ku iibineysay” ayuu yiri Aadan oo kamid ahaa shaqsiyaadkii ka badbaaday Qaraxii Soobe.

Aadan Cabdi Xuseen oo ka badbaaday Qaraxii Soobe 14-kii Oktoobar 2017.

Goobaha caafimaadka waxaa kasoo yeertay fariin ku saabsan in loo baahan yahay dhiig, maadaama dadka dhaawacyada soo gaaray ay dhiig-baxeen, Dowladda Federaalka oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa dadka ugu baaqday in ay dhiiggooda ugu deeqaan boqolaalka dhaawacmay.

Ilinka laga galo Isbitaallada waxaa ku sugnaa boqolaal ruux oo dadkooda waayay, goobaha caafimaadkana la dhigay dad dhaawacmay & kuwa dhintay oo aan lahayn aqoonsigooda, sidaas awgeed ay ka raadiyeen goobahaas.

Dowlado kala duwan ayaa Muqdisho usoo diray dhaqaatiir, agab Caafimaad iyo diyaarado lagu qaado shaqsiyaadka aan dalka xaaladdooda wax looga qaban Karin, waana la qaaday 15-kii Oktoobar 2017-kii.

DFS ayaa magacawday Gudigii gurmadka qaraxii Soobe ayaa bilaabay diiwaangelinta magacyada dadka la raadinayo ee lagu tuhmay in ay ku dhinteen goobta qaraxa uu ka dhacay ama la geeyay goobaha caafimaadka.

Isbitaallada dadka la dhigay, Ehelka dadkooda aan Raq & Ruux toona ku arag!

Madaxda sare ee DFS, Culimo, qaybaha Bulshada & shaqsiyaad kale oo dhalinyaro ah ayaa tagay goobtaas gurmadka ah, halka Baraha Bulshada lasoo dhigayay Sawirrada dad la raadinayo ee la waayay.

Qaar kamid ah shaqsiyaadka ehelkooda waayay ayaa maalin waliba taagnaa xarunta Gurmadka & Isgoyska Soobe oo ah meesha uu qaraxa ka dhacay, maadaama dhismaha dumay la faagayay (La qofayay) si haddii dad looga helo looga soo saaro.

Like it? Share it!

Leave A Response