7-Cishe oo ka harsan waqtiga ugu dambeeyo ee Dhismaha Guddiga Farsamo Doorashada 20/21!{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Oct 13, 2020 | 509 views

Saddex Cishe ayaa laga tallaabay 10-maalmood ee lagu go’aamiyay in lagu soo gaba-gabeeyo Guddiga farsamo ee hordhaca u ah guda-gelista doorashada 20/21 ee heshiiska ay ka gaareen Madaxda Heer Federaal & Heer DG.

1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddiga Farsamo oo muddo ahaan ka gudbi karin tobanka cishe si uu dhaqangal u noqdo jadwalka ay dajiyeen.

Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha DG kama muuqdo dhaq-dhaqaaq la xiriira dhismaha ama magacaabista Guddigaas oo isla shuruudaha laga doonayo lagu faafiyay heshiiska madaxda.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa xubnaha Guddigooda soo gudbinaya si la isugu keeno hal meel oo ay isaga dhex doortaan Guddoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye kahor inta aysan guda-gelin howlaha horyaalla.

20-ka ilaa 30-ka bishaan Oktoobar xubnaha Guddiga waxaa u qoran in ay qaataan tababar ku saabsan sida ay u gudanayaan shaqadooda, waxyaabaha laga doonayo in ay ku dhaqaaqaan & dhaqangelinta jadwalka.

Image may contain: text

Haddii howsha ay u dhacdo sida loo qorsheeyay, waxaa Guddiga farsamo laga doonayaa in uu xareeyo Ergooyinka Beelaha muddo u dhaxeysa 1-da ilaa 30-Nofeember, waxaa intaas u dheer Hubinta Ergada oo ay la kaashanayaan Madax dhaqameedyada, Diyaarinta Goobaha Cod bixinta & shuruudaha ay doonayaan in lagu wado howsha doorashada sida diiwaangelinta Xildhibaannada iyo Senatarada.

Labadaas tijaabo haddii lagu guuleysto waxaa 1-da ilaa 10-ka Deseembar la qabanayaa doorashada Senatarada Aqalka sare oo ka shaqo fudud golaha shacabka, maadaama labo xubnood oo ay soo xulayaan DG midkood loo codeynayo.

Imtixaanka ugu adag ee Doorashada waa tan Golaha Shacabka BFS oo kursigiiba codeyntiisu leedahay 101-Ergo beeleed, waana meesha ugu dambeyso howl shaqeydka Guddigaan, haddii la siiyo kaararka aqoonsiga iyaga ayaa la wareegaya howsha oo iska dhex dooranaya Guddoomiyaha ugu da’da weyn, guddiga doorashada guddoonka.

Guddoonka cusub ayaa dooranaya Guddi cusub oo qabta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response