Trump oo muuqaal kasoo duubay isbitaalka la jiifiyey loona qabtay 48 saac

by admin | Sunday, Oct 4, 2020 | 521 views

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo duubay muuqaal uu uga hadlayo xaaladdiisa caafimaad isaga oo ku jira isbitaalka Walter Reed oo la seexiyey kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Trump ayaa shacabka Mareykanka u xaqiijiyey inuu kasoo raynayo tan iyo markii isbitaalka la siixiyey, uuna dhowaan kusoo laaban doono ololaha doorashada.

“Waxaan imid halkan ayada oo xaalkeyga uusan fiicneyn. Hadda waxaan dareemayaa inaan kasoo raayey. Waxaa aad looga shaqeynayaa inaan sideeda kusoo laabto. Waxaan ku qasbanahay inaan soo laabto, sababtoo ah waxaan weli u baahanahay inaan America ka dhigno mid weyn,” ayuu yiri Trump oo muuqaal soo duubay.

Trump ayaa wejigiisa laga dareemayey isbeddel, inkasta oo isu muujiyey inuu weli xooggan yahay.

Ad by Valueimpression

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka lagu seexiyey isbitaalka, oo warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan.

“Ma laheyn wax ikhtiyaar ah sababtoo ah ma dooneyn inaan joogo Aqalka Cad. Waa la i siiyey doorashadaas. Joog Aqalka Cad, oo isku xir, hana ka tegin waligaa,” ayuu yiri Trump.

Hase yeeshee Trump ayaa inuu doortay isbitaalka ku macneeyey mid muujineyso awooddiisa.

“Waa inaan joogaa furinta hore, tani waa America. Tani waa dalka ugu weyn adduunka. Tani waa dalka ugu awoodda badan dunida. Iskuma xiri karo qol,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sheegay in loo qabto 48-ka saac ee soo socda, taasi oo xaaladdiisa caafimaad kala caddeyn doonto. Haddii aanay kasii darin waxay u badan tahay inuu cudurka ka kaco, hase yeeshee haddii ay ka darto wuxuu wajihi doonaan xaalad halis.

Like it? Share it!

Leave A Response