Mareykanka oo ku dhawaaqay in la kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

by admin | Thursday, Oct 1, 2020 | 538 views

Taliska millatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska la saaro ururka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen kan ugu halista badan xilligan qaaradda Afrika.

AFRICOM ayaa waxaa ay sheegeen in in Al-Shabaab ay halis ku yihiin ciidamada Soomaalida, kuwa AMISOM iyo danaha Maraykanka intaba.

Africom ayaa shaacisay inay la socdaan inay kordheyn weerarada tooska ah iyo kuwa loo adeegsado gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qaraxa,isla markaana ay ka digtoonaadeen.

Al-Shabaab ayaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa waxaa ay ku weerareen degaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ku geeriyooday askar ka tirsan Ciidamada dowladda halka uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee taageerada siiya Ciidamada Dowladda.

Mareykanka ayaa dhowr jeer waxaa uu duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolada dalka,waxaana uu sheegay in duqeymahaas ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab wallow mararka qaar dad Shacab ah ay ku waxyeeloobaan.

Like it? Share it!

Leave A Response