Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

“Xildhibaannada ka walwalsan kuraastooda waxa aan ballanqaadayaa in aan lagu faragelin” Siciid Deni.{sawiro}

by admin | Tuesday, Sep 22, 2020 | 557 views

Madaxweyne DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay Munaasabad Muqdisho loogu qabtay ayaa soo hadal qaaday howlaha kala guurka ee loogu diyaargaroobayo doorashada dalka 20/21.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay xaaladdii adkeyd ee ka dhalatay kulamada siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanta shirarkii wadatashiga ee madaxda heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Image may contain: 6 people, people standing

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku amaanay tanaasulaad badan uu sameeyay markii qodobo dhowr ah ay isku qabteen madada DFS & DG, taasina ay ku dhalatay mas’uuliyadda uu isa-saaray.

Waxa uu ka jawaabay walwal uu muujiyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo xitaa shaaciyay in kursigiisa uu ka wareegay Puntland una weeciyay Galmudug, sabab la xiriirta cabsi ka heysata.

Image may contain: 1 person

Madasha waxa uu ka sheegay Siciid Deni in Xildhibaannada walwalka ka qaba tartanka kuraastooda in ay iska saaraan cabsida ay muujinayaan, maadaama loolanka furan aysan jirin cid ku faragelineysa.

Image may contain: 7 people, people standing

“Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Waxa uu dul istaagay culeyska amniga ee Caasimadda, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah mas’uuliyad la isaga saaro wax ka qabashada, maadaama howlaha ugu badan ee Dowladda lagu fulin

Like it? Share it!

Leave A Response