Askari shaqada looga eryay Nin uu feeray!

by admin | Tuesday, Sep 15, 2020 | 486 views

Roderick Walker oo ah 26-sano jir waxaa si ula-kac ah u feeray Askari Booliis ah oo ka howlgala Gobolka Georgia ee Dalka Mareykanka, waxaana laga duubay muuqaal ku faafay baraha Bulshada oo fadeexo iyo cayb ku noqotay howlaha shaqada ee Ciidanka.

Booliiska ayaa isku dayay in ay xireen Roderick Walker, balse waxaa la arkayay iyaga oo dhulka ku haya oo gacmaha uga xiray Kaniitadda (Jeebada) ay ku xireen dadka dambiyada gala si aysan u baxsan ama ugu gacan qaadin.

Walker ayaa dhulka lagu hayay muddo, waxaana feeray Askari katirsan Booliiska, waxaana wajigiisa soo gaaray dhaawac ka dhashay feerka, sawirro laga qaaday feeritaanka kadib ayaa ku faafay baraha Xiriirka Bulshada.

War kasoo baxay Xafiiska Booliiska Degmada Clayton ayaa lagu sheegay in Askariga gacan-qaadka sameeyay laga saaray shaqada, maadaama ficilka uu sameeyay uu dhaawacayo heybadda Askarta iyo niyad-samaanta dadka aaminsan adeeggooda.

Feerka Walker oo Jimcihii dhacay, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay waxa uu qaybta sare ka qabsaday baraha Bulshada, waana tan soo dadajisay in go’aan shaqo ka eryid uu qaato taliska Booliiska.

Qareenka u doodaya Walker waxa uu dalbaday in aan shaqo eryid lagu koobin balse loo baahan yahay in la helo xuquuqda dhaawaca gaaray macaamiilkiisa uu ka difaaco dambiyada una raadiyo xuquuqdiisa.

Shabakadda ABC oo xogta sheekadaan gunta u gashay ayaa sheegtay in tallaabada shaqo ka eryidda Askariga ay ka dambeysay kadib markii cashir wanaagsan Booliiska uu ka qaatay dilkii Ninka Madowga ahaa ee sababay isu-soo baxa dadka Mareykanka oo meelo badan la burburiyay.

Dad Goobjoog u ahaa dhacdadaan oo la hadlay ABC waxa ay sheegeen in Walker laga dalbaday in uu soo bandhigo Aqoonsiga kaxaynta Gaarigiisa, balse ma uusan wadan, muran kadib gacan-qaadka ayaa bilawday.

Sidoo kale hadalkaas waxaa sii xoojiyay qareenka Ninka la feeray oo isna qirtay in macaamiilkiisa uusan wadan xiligii la qabanahay Ogolaanshiyaha wadista Gaadiidka (Licenses), waxaana uu ku dooday in ciqaabtiisa aysan ahayn in la jirdilo.

Like it? Share it!

Leave A Response