Trump oo cafis u fidinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay dad Soomaali ah

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 411 views

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah oo sabab u noqday in xabsi la dhigo afar qofood oo kasoo jeeda Soomaaliya.

Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa warisay iney suuragal tahay cafis loo fidiyo Edward Snowden oo dhexda kaga jiray kiis qabsaday hadal heynta waddanka mareyknaka sanadkii 2013.

Donald Trump wuxuu difaacay Snowden, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib loo eegi doono, taasoo loo fasirtay inuu gogol xaaranaayo cafis uu u fidiyo.

“Waan maqlay in dad badan ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula tacaamuleynaa,” ayuu yiri.

Edward Snowden ayaa isaga cararay wadanka Mareykanka kadib markii uu soo bandhigay coda sababay in xagjirnimo iyo Al-Shabaabnimo loo maxkamadeeyo afar nin oo Soomaali ah.

Basaaly Saeed, Ahmed Nasir Tahliil Mohamud, Mohamed Mohamud iyo Issa Doreh oo ku noolaa magaalada San Diego ayaa la xiray.

Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka waxey sheegeen in sarkaalkaan uu ogolaansho la’aan qabtay shaqadaan.

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamad federaal ah ay xukuntay in Snowden uu sharci daro sameeyay, balse aysan wax saameyn ah ku laheyn go’aankii lagu xiray soomaalida dambiga lagu soo oogay.

Like it? Share it!

Leave A Response