Itoobiya oo sameysaneysa lacag cusub

by admin | Monday, Sep 14, 2020 | 410 views

Itoobiya ayaa soo saareysa lacag cusub, tan oo Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku sheegay in wax looga qabanayo howlaha sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa.

Naqshadda cusub ee lacagaha 10, 50 iyo 100 Birr ayaa la sameeyay waxaana sidoo kale la soos aari doonaa baalweynta 200 oo cusub.

Mr Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo wadaagay lacagaha cusub. Wuxuu sheegay in la adkeeyay ammaanka si loola dagaallamo in la soo saaro kuwo kale oo been abuur ah.

Dhanka kale lacagtan cusub ayaa la sheegay in ay yaraynayso dhaq dhaqaaqyada ganacsiga sharci darrada ah, musuqa iyo hawlaha koontarabaanka, iyada oo
haya’daha maaliyada kacaawin doonta inay u adkaystaan lacag yarida soo food saari karta.
Like it? Share it!

Leave A Response