Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo Qarax lagu dilay

by admin | Friday, Sep 11, 2020 | 541 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaaan qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa si gaar ah loola beegsaday  Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana kasoo gaaray dhaawac culus oo uu ugu dambeyntii ugu geeriyooday isbitaalka.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa sidoo kale ahaa xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Like it? Share it!

Leave A Response