Wararkii ugu dambeeyay Shirka ka furmaya Magaalada Baydhabo

by admin | Wednesday, Sep 9, 2020 | 532 views

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee qabsoomida shirka Madaxda Dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Magalada Baydhabo waxaa ku sugan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay halkaasi tegay iyo Madaxweynaha kulanka martigelinaya ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen, halka Madaxweynaha Galmudug la filayo in uu goordhow gaaro Magaalada Baydbabo.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in shirkaasi ay uga hadli doonaan sidii Mowqif mid ah ay ugu tegi lahaayeen shirka berri Muqdisho ku dhex-mari doono Madaxweyne Farmaajo iyo M/Goboleedyada.

Madaxda Maanta shirka ku yeelanayo Baydhabo ayaa isla maanta waxaa ay soo gaarayaan Muqdisho, iyagoona kulan gaar ah la qaadan doono Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan Beesha Caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response