Dhaq dhaqaaqyo Ciidan soo saaka ka socda degaano ka tirsan Jubbada Hoose

by admin | Wednesday, Sep 9, 2020 | 502 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo waxaa ay ka wadaan duleedka degaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose.

Korneyl Idriis oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in howlgallada ay uga hortagayaan weerarada Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada ay sii wadi doonaan ilaa ay degaannada ay ku harsan yihiin ay ka saaraan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu arkayo duleedka degaanka Jannaay Cabadalla, iyaga oo halkaasi howlgallo culus ka wada.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen in laga sameeyay degaannada Dhisheeg waamo,Maroodi gubow,Dhaay unbow, isla markaana ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Jannaay Cabdalla, balse Axadii ay degaankaas Al-Shabaab ku qaadeen weerar ismiidaamin ah, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response