Shiinaha oo Saldhig ka sameysanaya 4-dal oo Afrika ah!.

by admin | Monday, Sep 7, 2020 | 518 views

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa qorsheyneysa saldhigyo cusub oo ay dooneyso in ay ka sameysato qaaradda Afrika, si ay u xoojiyo loolanka adag ee kala dhaxeeya Dowladda Mareykanka.

Wadamada indhaha Shiinaha saaran waa Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola, waxaana ay dooneysaa in ay geyso daraasiin Ciidan oo kamid ah kuwa difaaca dalkaas si ay u muujiyaan cududda qaaradda Afrika ee Xukuumadda Beijing.

Warar la helayo ayaa sheegaya in diblumaasiyiin Shiinees ah ay wadaan dadaalada dalalkaan ay uga dhaadhicinayaan hamiga fog ee Xukuumadda Beijing, maadaama wadamadaan Mareykanka uusan la ahayn saaxiib sidaas u fog.

Dhammaadkii todobaadkaan waxaaa  wada hadlay xubno kala kala tirsan Shiinaha, Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola, inkasta oo aan la shaacin in kulanka uu hal meel ku qabsoomay iyo meesha uu ka dhacayba.

Waxaase la xaqiijiyay in 4-taan Dowladood Xukuumadda Beijing ay u bandhigtay damaceeda saldhigyada ay dooneyso in ay ka sameysato meelo kamid ah wadamadaan oo ay u aragtay in ay muhiim u yihiin qorshahooda waqti fog ay ka fiirsatay.

Sababtu waa Mareykanka oo isku fidinaya Qaaradda Afrika, waxaana saldhigyo uu ku leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti, halka Soomaaliya uu ku sugan yahay, waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay wadamo kale qaaradda ah.

Shiinaha qudhiisa Saldhig ayuu ku leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ay dhinac ka degen yihiin wadankaan kulaala badda cas oo muhiim u ah la socodka dhaq-dhaqaaqa biyaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Marka laga tago Dalalkaan Afrika, waxaa diiradda u saaran Shiinaha Wadamo kale oo ay qorshuhu yahay in Awood Militari oo muuqata Xukuumadda Beijing ku yeelato si ay meel isaga saarto Mareykanka.

Wadamada la shaaciyay waxaa kamid ah Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Isu tagga Imaaraatka Carabta, Kenya, Seychelles, Tanzania, Angola, iyo Tajikistan, waxaana intaa u dheer Ciidamada Badda ee Gaaf-wareegaya Biyaha Badda iyaga oo huwan magaca la dagaalanka Burcadda Maraakiibta Afduubata.

Haddaba, Shiinaha miyuu saldhigyo ka sameyn doonaa Dowladaha Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola oo Afrika ah, mise waa uu ku guuldareysan doonaa damacaas?

Like it? Share it!

Leave A Response