Ra’iisul Wasaaraha Japan oo Maanta is casilaya

by admin | Friday, Aug 28, 2020 | 692 views

Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe oo muddo sanado ah la ildarnaa xanuun soo waajahay ayaa lagu wadaa in uu manta qabto shirjaraa’id oo uu kaga hadlaayo walaaca ku saabsan caafimaadkiisa iyo sida uu u dooonayo in uu ku dhawaaqo iscasilaadiisa.

Warbaahinta Dalkasi ayaa sheegtay in R/Wasaaraha oo 65-sano jir ah uu doonaayo in uu joojiyo howsha uu ka hayo Dalkaasi ,sababo la xiriira caabuq ama xanuun ku dhaca xididada caloosha oo keena calool bax iyo halis aad u daran.

Saraakiil ka tirsan xisbiga haya talada Dalkaasi ayaa sheegay in Raiisel wasaaraha Japan Shinzo Abe ay wanaagsan tahay xaaladiisa caafimaad,isla markaana uu awoodo in uu sii wato shaqadiisa caadiga ah.

Maanta ayaa la filayaa in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo iscasilaadiisa,ka dib markii uu xilka R/Wasaare qabtay sanadkii 2012.

Like it? Share it!

Leave A Response