Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka digay hurinta dagaal Beeleedyada

by admin | Wednesday, Aug 26, 2020 | 542 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay tuulooyinka hostaga degmadaas.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in xilligaan lagu dul dagaalamo dadka Shacabka ah,isla markaana dad mas’uuliyiin ah ay colaadaasi mas’uul ka yihiin sidoo kale ay fiirsanayaan beelaha dagaalamaya.

Waxaa uu soo hadal qaaday Oday 95 Sano jir ah oo lagu dilay tuulo hoostagta degmada Warsheekh, waxaana uu sheegay in dilkaasi looga gol lahaa colaado horleh oo ka dhacda degmada Warsheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Bulshada ku nool degmada Warsheeh iyo tuulooyinka hoostaga ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan nabaddda iyo horumarka degaankooda.

Degmada Warsheekh ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe, hayeeshee waxaaa mararka qaar ka dhaca dagaal beeleedyo soo laab laabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response