Dowladda oo ku dhawaaqday howlgallo laga fulinayo Sh/ Dhexe & Hiiraan

by admin | Tuesday, Aug 25, 2020 | 590 views

Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo ka dhan ahAl-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska DANAB ayay Ciidamada saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay saldhigan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Ciidanka Kumaandooska waxeey xarumo kuleeyihiin Juballand, Koonfurgalbeed, Galmudug, haddana Hirshabeele ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaan Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka ay cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadanuna ay ka saaraan miinooyin dhulka lagu aasay.

Guud ahaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolada dalka ka ayaa waxa ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale mararka qaar la kulma weeraro kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response