Galmudug oo bilaawday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab

by admin | Thursday, Aug 20, 2020 | 552 views

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed M. Fiqi, taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo Al-Shabaab oo Maamulka Galmudug ay sheegeen in dhibaatooyin ku hayaan dadka deegaanadaas deggan.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo loo yaqaano masawiisleey, kuwaas oo dagaal la galay degaano ka tirsan Galmudug, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, wasiirka iyo saraakiisha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan, isla markaana In ciidamada qalabka sida ay sii wadayaan dagaalka ay ku hayaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response